Barnaamij xagaa – Lego iyo ciyaar


Ladda ner en utskriftsversion av aktiviteten här (pdf)

Gaarsii xirfaddaada Lego-dhisid heerar sare oo cusub! Waxaan isku duwnay barnaamij madadaalo oo ay Lego iyo ciyaar ka buuxaan. Lekia  ka dalbo in guriga lagugu keeno lebenno Lego, alaabalaabey lagu ciyaaro ama hawlgacmeedyo hiwaayad ah oo sidaas ku soo fasax hindise-abuurkaaga.

Barnaamijkaan waxaad idinka oo gurigiina jooga ku hindisi kartaan waxyaabo xiiso leh. Laga yaabee inaad u hamuuntay inaad Lego cusub ka hindisto dhismayaal cajiib ah ama laga yaabee inay ku soo jiidatay alaabalaabey cusub oo lagu ciyaaro?

Waxay doontaba ha noqotee waxaan rajeyneynaa inuu barnaamijkaan kugu kordhin karo farxad iyo tamar badan! Laga yaabee inaad adigu noqoto qofkaan dhowr sano ka dib ku arki doonno tartanka Lego Masters?

Codso barnaamij madadaalo oo ay Lego iyo ciyaar diiradda u saaran yihiin!

Barnaamijkaan madadaaladu wuxuu ka kooban yahay:

  • Kaadh haddiyadeed Lekia looga adeegto oo 2000 kr lagu soo buuxiyay (Wuxuu shaqaynayaa ilaa iyo 31/12 2024)

Waa intee qiimuhu? Waxba! Madadaalada Min Stora Dag had iyo jeer waa bilaash.

Si aad u codsato:

  • Waa inuu ku hayo cudur daran ama diagnos cayiman oo noloshaada saamayn weyn ku leh oo lagu soo xaqiijinayo faallo ay qoreen shaqaale caafimaad.
  • Waa inaad tahay da’da u dhexeysa 4 – 17 jir.

Carruurta iyo dhallinyarada aan hore u helin Maalin Weyn ayaa mudnaanta la siinayaa, balse boos laguguma dammaanad qaadayo oo keliya inaysan Min Stora Dag hadda ka hor waxba kuu qaban darteed. Halkaan waxaa ku jira habdhismeed foom shahaado shaqaale caafimaad (PDF loogu talogalay daabacaad). Haddad haysato shahaado loo qoray ujeeddo kale, iyadana waa la isticmaali karaa.

Ansökan 2.0: Upplevelsepaket – lego och lek_somaliska

  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • ANSÖKAN

Filimkaan waxaan kaga warramaynaa sida aad u codsanayso Maalin Weyn

Huvudpartners

Upplevelsepartners

Kampanjpartners

Bli partner