Barnaamij madadaalo – Raacidda markabka Tallink Silja – SLUT

SLUT: Kryssning med Tallink Silja LineBarnaamijkaan madadaalo farxadda leh wuxuu kugu casumayaa badmaaxid raaxo leh ee markabka Tallink Silja. Kala dooro safar nasteexo leh, 40-saac ah, oo afar qof loogu talogalay inaad ku tagto Helsinki, Finland ama Tallinn, Estooniya.

Adigoo jooga dabaqa qorraxaysiga ku raaxayso muuqaalka guud ee badda ama ku dabaaljooglee berkedda xumbaysa! Tijaabi cuntooyinka cusub ee makhaayadaha ama daawo shoowyo qurux badan oo casri ah. Madaalo iyo khibrado badan ayaad ka heleysaa safarka markabka Talllink Silja. Waxaa taas u dheer, inuu markabku ku xiran doono hadba halkii aad doorateen (Helsinki ama Tallin) oo aad fursad u heli doontaan inaad dhowr saacadood magaalada soo sahmisaan.

Goorma? Adiga ayaa go’aanka leh goorta aad markabka raacayso muddo cayiman gudaheed.

40 saac oo safar markab ah: 1/9 – 19/12 2024

FIIRO GAAR AH! Tiro xaddidan oo kuraas ah safarkiiba. Barnaamijkaan ma khuseeyo safarrada mowduucyada gaarka ah leh. Kuma jiro gaadiidka markabka lagu tagayo iyo kan lagaga soo noqonayo.

Muxuu ka kooban yahay?

  • Safar 40-saac ah (laba habeen) oo loogu talagalay afar qof, Stockholm ilaa Helsinki ama Tallinn. Markabraaca noocan ahi wuxuu ka kooban yahay safar sii socod ah, dhowr saac oo la joogo halka lagu socdo iyo safar soo noqod ah oo isla markabka ah.
  • Hoy laba habeen ah, qol markabka gudihiisa ah, oo afar qof loogu talogalay (ugu badnaan laba qof oo weyn iyo laba carruur 0 – 17 jir ah).
  • Laba casho buufeet ah iyo laba quraac buufeet ah maalintiiba.

Waa intee qiimuhu? Waxba! Madadaalada Min Stora Dag had iyo jeer waa bilaash.

Si aad u codsato:

  • Waa inuu ku hayo cudur daran ama diagnos cayiman oo noloshaada saamayn weyn ku leh oo lagu soo xaqiijinayo faallo ay qoreen shaqaale caafimaad.
  • Waa inaad tahay da’da u dhexeysa 4 – 17 jir.

Carruurta iyo dhallinyarada aan hore u helin Maalin Weyn ayaa mudnaanta la siinayaa, balse boos laguguma dammaanad qaadayo oo keliya inaysan Min Stora Dag hadda ka hor waxba kuu qaban darteed. Halkaan waxaa ku jira habdhismeed foom shahaado shaqaale caafimaad (PDF loogu talogalay daabacaad). Haddad haysato shahaado loo qoray ujeeddo kale, iyadana waa la isticmaali karaa.

Filimkaan waxaan kaga warramaynaa sida aad u codsanayso Maalin Weyn

 

Huvudpartners

Upplevelsepartners

Kampanjpartners

Bli partner