Barnaamij madadaalo – casho iyo shineemo

Popcorn
Ladda ner en utskriftsversion av aktiviteten här (pdf)

Barnaamijkaan waxaad ka heleysaa madadaalo shineemo. Habeen ku casun qoyska iyo asxaabta shineemo ama u kala qaybi barnaamijka oo daawo dhowr aflaan oo kala duwan. Adiga ayaa go’aanka leh! Ka sokow tigidho shineemo iyo cuntooyin gaws-gelis ee shineemooyinka  Filmstaden, Svenska Bio iyo Cinemascenen waxaad heleysaa kaadh hadiyadeed lagu galo Pinchos si aad madadaalada ugu dhamaystirto casho qurux badan oo raaxo leh.

Waxaa hadda la gaaray wakhtigii madadaalada aan caadiga ahayn ee aflaanta. Waxaad barnaamijkaan shineemeed ku heleysaa tigidho shineemo, cunto gaws-gelis aflaanta lagu daawado iyo kaadh hadiyadeed oo lagu casheeyo. Ma laga yaabaa inaad rabto inaad asxaabtaada ku casunto qaddar gudcur shineemo? Mise waxaad tahay qof aad shineemada u jecel oo doonaya inuu ka faa’iideysto fursad uu aflaan badan ku daawado?

Si kasta oo aad doorbiddo inaad shakhsi ahaan samayso waxaan annaga oo ka shaqeyna Min Stora Dag rajeyneynaa inaad hesho qaddar wakhti ah oo xiiso, farxad iyo raaxo leh!

Waa goorma?
Adiga ayaa dooranaya gooraha iyo goobaha aad ka bukingaraynayso shineemogalkaaga iyo cashotaggaaga. Dabcan barnaamijka waad kala qaybsan kartaa oo marar kala gaar ah ayaad cashada iyo shineemo-galidda ka dhigan kartaa.

Muxuu barnaamijka madadaaladu ka kooban yahay?

  • Lix tigidh shineemo oo lagu galo Filmstaden, Svenska Bio iyo Cinemascenen.
    Tigidhka shineemada waxaa lagu gali karaa dhammaan daawashooyinka caadiga ah ee aflaanta (oo ay ka jiraan daawashooyinka 3D) ee shineemooyinka Filmstaden, Svenska Bio iyo Cinemascenen. Ogow in IMAX, iSense, daawashooyinka khaaska ah, muraayadaha 3D iyo bukiminta kuraasta Ballaaran iyo kuraasta VIP ay tahay in tigidhka lacag dheeraad ah lagu daro.
  • Lix cunto gaws-gelis ah oo aflaanta lagu daawado ee Filmstaden iyo Svenska Bio oo magaalooyinka soo socda laga heli karo (cuntadiiba waxaa ka mid ah baakad dhexdhexaad oo daango ah iyo hal caag ama galaas 50 cl ah oo ah cabbitaan gaas leh/Bonaqua/MER):
    Alingsås, Borlänge, Borås, Eskilstuna, Falun, Gävle, Göteborg, Halmstad, Helsingborg, Härnösand, Jönköping, Kalmar, Karlskrona, Karlstad, Kristianstad, Kungsbacka, Köping, Landskrona, Linköping, Luleå, Lund, Malmö, Mariestad, Mora, Motala, Mjölby, Norrköping, Norrtälje, Nyköping, Skara, Skellefteå, Skövde, Stockholm, Sälen, Uddevalla, Uppsala, Umeå, Vetlanda, Visby, Vänersborg, Värnamo, Västerås, Växjö, Västervik, Örebro, Örnsköldsvik iyo Östersund.
  • Kaadh haddiyadeed oo Pinchos looga casheeyo oo lagu buuxiyay 1500 kr.

Waa immisa?
Waxba! Khibradda madadaalo ee Min Stora Dag had iyo jeer waa bilaash.

Carruurta iyo dhallinyarada aan Maalin Weyn horey u helin ayaa mudnaanta la siinayaa, balse dammaanad boos ma jirto oo boos laguma helayo ”hadda ka hor Min Stora Dag madadaalo kama helin” oo keliya.

 

Halkaan waxaa ku jira foom loogu talagalay shahaado caafimaad (PDF daabacaad loogu talagalay). Haddaad hayso caddayn ujeeddo kale loo diyaariyey, waa suurtogal inaad halkaanna u isticmaasho.

Ansökan 2.0: Upplevelsepaket – bio och middag_somaliska

  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • ANSÖKAN

Filimkaan waxaan kaga warramaynaa sida aad u codsanayso Maalin Weyn

Huvudpartners

Upplevelsepartners

Kampanjpartners

Bli partner