Barnaamij madadaalo – boodbood iyo ciyaar (Jumpyard)
Ma jeceshahay roogagga lagu boodboodo iyo taraamboliinnada? Markaa barnaamijkani adigaa lagugu talogalay! Barnaamijkaan farxadda badan wuxuu ka kooban yahay kaadh hadiyadeed looga adeegto beerta taraamboliin iyo xarunta maararrowga Jumpyard.
Dooro mid ka mid ah 15-ka xarumood ee kala duwan ee Jumpyard oo aad dooneyso inaad booqato. Adiga ayaa go’aanka leh inaad dooneyso inaad dhowr jeer halkaas iskaaga u tagto, casunto qoys iyo asxaab ama maxaa lagu diidi inaad Jumpyard ku qabsato xaflad adiga kuu gaar ah!? Kaadhka hadiyadeed, waxaa sidoo kale xarumaha Jumpyard lagaga iibsan karaa qaxwe iyo gaws-gelis ama raashin.
Muxuu barnaamijkani madadaaladu ka kooban yahay?
- Kaadh hadiyadeed oo looga adeegto Jumpyard oo lagu buuxiyay 2 500 karoon (shaqaynaya ilaa iyo 31/3 2025)
Waa intee qiimuhu? Waxba! Madadaalada Min Stora Dag had iyo jeer waa bilaash.
Si aad u codsato:
- Waa inuu ku hayo cudur daran ama diagnos cayiman oo noloshaada saamayn weyn ku leh oo lagu soo xaqiijinayo faallo ay qoreen shaqaale caafimaad.
- Waa inaad tahay da’da u dhexeysa 4 – 17 jir.
Carruurta iyo dhallinyarada aan hore u helin Maalin Weyn ayaa mudnaanta la siinayaa, balse boos laguguma dammaanad qaadayo oo keliya inaysan Min Stora Dag hadda ka hor waxba kuu qaban darteed. Halkaan waxaa ku jira habdhismeed foom shahaado shaqaale caafimaad (PDF loogu talogalay daabacaad). Haddad haysato shahaado loo qoray ujeeddo kale, iyadana waa la isticmaali karaa.
Ansökan 2.0: Upplevelsepaket – hopp och lek_somaliska
Filimkaan waxaan kaga warramaynaa sida aad u codsanayso Maalin Weyn