Barnaamij madadaalo – Dunida Astrid Lindgren

Besök Astrid Lindgrens Värld med Min Stora Dag
Ladda ner en utskriftsversion av aktiviteten här (pdf)

Ku soo dhawoow dunida sheeko-xariirta! Barnaamijkaan farxadda badan waxaa lagugu casumayaa dunida mucjisada leh ee Astrid Lindgren. Intaas waxaa u dheer oo barnaamijka ku jira habeendhax ugu badnaan afar qof loogu talogalay.   

Booqo Villa Villekulla, beerta Katthult, jiqda Mattisskogen iyo meelo kale oo badan oo buugaagteedii ku soo caanbaxay. Booqashada Dunida Astrid Lindgren waxay la mid tahay adigoo dhex safraya sheekooyinkeeda, balse waa dhab ahaan. Halkaan waxay bey’aduhu ka kooban yihiin waxyaalaha ay Astrid Lindgren ku qeexday sheekooyinkeedii ku saabsanaa Pippi, Emil, Ronya iyo carruurta kale.

 

Goorma?
Adiga ayaa go’aanka leh goorta ay booqashadu dhacayso muddo cayiman gudaheed.

Muxuu ka kooban yahay?

  • Gelitaanka beerta (tigidh hal maalin ah) loogu talogalay ugu badnaan afar qof, 2 waaweyn iyo 2 carruur ah (xilliga oo dhan -2025).
  • Hoy mid ka mid ah muddullada ku xiriira beerta oo loogu talogalay ugu badnaan afar qof, 2 waaweyn iyo 2 carruur ah (xilliga oo dhan -2025), balse fiiro u yeelo in aan la qabsan karin habeendhax u dhexeeya toddobaadyada 27 – 32 (30/6 – 10/8). Waxaan idin kula talineynaa  inaad booqashadiina u qabsataan sida ugu dhakhsaha badan waayo hoygu si degdeg ah ayuu ku buuxsamaa.

Waa intee qiimuhu?
Waxba! Madadaalada Min Stora Dag had iyo jeer waa bilaash.

Si aad u codsato:

  • Waa inuu ku hayo cudur daran ama diagnos cayiman oo noloshaada saamayn weyn ku leh oo lagu soo xaqiijinayo faallo ay qoreen shaqaale caafimaad.
  • Waa inaad tahay da’da u dhexeysa 4 – 17 jir.

Carruurta iyo dhallinyarada aan hore u helin Maalin Weyn ayaa mudnaanta la siinayaa, balse boos laguguma dammaanad qaadayo oo keliya inaysan Min Stora Dag hadda ka hor waxba kuu qaban darteed.

Halkaan waxaa ku jira habdhismeed foom shahaado shaqaale caafimaad (PDF loogu talogalay daabacaad). Haddad haysato shahaado loo qoray ujeeddo kale, iyadana waa la isticmaali karaa.

Ansökan 2.0: Upplevelsepaket – Astrid Lindgrens Värld_somaliska

  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • Detta fält är dolt när formuläret visas
  • ANSÖKAN

Filimkaan waxaan kaga warramaynaa sida aad u codsanayso Maalin Weyn

 

Huvudpartners

Upplevelsepartners

Kampanjpartners

Bli partner